Ra’iisal wasaaraha DFS oo la kulmey dhigiisa dalka Talyaaniga.[Masawiro]

March 16, 2016 - Written by Editor

51d6dad6-08da-49c5-939f-65e55b72419b-740x515Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, waxana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa ugu horreyntii uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey.

Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ay Dowladdu sameeysey ee la xiriira dhanka amniga, dhismaha maamullada dalka, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga iyo dib-u-eegista dastuurka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ballanqaaday inuu garab taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta nabad-gelyada iyo siddii Soomaaliya ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd, iyadoo labada Ra’iisul Wasaare isla garteen in la abaabulo Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga si kor loogu sii qaado xiriirka labada dal ee soo jireenka ah .

Xafiiska Ra’iisalwasaaraha

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online