Ra’iisul Wasaaraha DFS oo cambaareeyey qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

March 31, 2016 - Written by Editor

sharmakeRa’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab iyo Masuuliyiin dawladeed oo aan waxba galabsan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, gaar ahaan Xisaabiyihii Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf Gaada-yare. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Galmudug Xasan Ruush iyo dadkii qiimaha badnaa ee weerarkaas naftooda ku waayey, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna Alle bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.

“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay gacan siiyaan dawladooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

—-DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Garowe, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online