Shaqaale iskugu jira Turki iyo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

March 30, 2016 - Written by Editor

Muqdisho-iyo-MidnimoMuqdisho:-Warar naga soo gaaraya caawa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan dalka Turkiga lagu weerar xili ay marayeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xaruntii hore ee madaxtooyada u ahayd madaxweynihii ee dowladda KMG Cabdi Qaasim Salaad Xassan.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa hadda 2 ka tirsan shaqaalaha Turkiga halka 4 qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen.  Dableydaan hubaysan ee weerarka fulisay ayaa waxaa ay wateen gaari nooca mini-baska ah ee caasiga loo yaqaan ka dibna waxaa ay weerar la beegsadeen gaarigii ay saarnaayeen shaqaalaha Turkiga iyo Soomaalida.

Shaqaalaha weerarka lagu dilay ee dalka Turkiga ayaa waxaa ay shaqaale ka ahaayeen Cusbitalka Turkiga ee lagu magacaabo Deeva ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane Idaacadda BBC ayaa u xaqiijiyey in Weerarka caawa lagu dilay 6 ruux oo iskugu jira Soomaali iyo Turki isagoo weerarkaan ku eedeeyey ururka Al-shabaab.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in weerarka caawa ay ku dhaawacmeen 5 kale oo muwaadiniin Turki ah halka qof Kenyaan ah uu u jiro.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka fuliyeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo gaaray goobta ayaa waxaa ay bilaabeen baaritaan ay ku baadi goobayaan kooxdii weerarka fulisay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online