Shirka Golaha Wasiirada DFS oo looga hadlay Abaaraha iyo Amniga

March 31, 2016 - Written by Editor

goleGolaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka, Amniga iyo qodobo kale.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxana ay soo hadal qaadeen dagaalladii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Ammaanka Puntland iyo Galmudug kooxihii firxadka ahaa , waxana uu goluhu boggaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamaddau kooxihii doonayey in ay khal-khal geliyaan amniga deeganadaas.

Waxana Goluhu cambaareeyeen falkii argagixisonimo ee shalay lala beegsaday muwaadiniin isugu jirta Soomaali iyo Turki, ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo Qaraxii Argagixiso ee ka dhacay Gaalkacyo.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga dooday sidii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u kordhin lahayd dhaqaalaha ay ugu yabooheen dadka abaaruhu ku dhufteen, iyadoo intii uu shirku socda la falan-qeeyey sida ay muhiimka u tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee la dhiban abaaraha. Golaha ayaana isku raacay in lagu daro lacagtii horey loogu yaboohay abaarta $1.291 Million Dollar, lacagtaas oo laga jari doono Howlwadeenada dawladda.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo caawin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee ay sida ba’an abaaruhu u saameeyeen, waxana gurmadka abaaraha Xukuumaddu horey ugu magacawday Guddi u howlgala gacan siinta dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online