Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug oo ka warbixiyey qaraxii ka dhacay Gaalkacyo.[Dhagayso]

March 31, 2016 - Written by Editor

vlcsnap-2016-03-31-02h56m14s156-420x210Gaalkacyo:-Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xassan Xaashi( Gabi Gabi) oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ka warbixiyey qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xasan Xaashi( Gabi Gabi) in qarax dhacay uu fuliyey nin nafti halige ah iyadoo qaraxu uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kale duwan.

Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xassan Xaashi( Gabi Gabi) ayaa xusay in 6 qof oo uu u jiro Xisaabiyihii maaliyada ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yusuf ( Gaada Yare ) ay dhinteen halka 7 qof oo kale ay dhaawaceen. Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xasan Xaashi( Gabi Gabi) ayaa sheegay in la baarayo qofka is qarxiyey oo ay hadda hayaan madaxiisa iyo lugahiisa ayna jiraan dad dhowr ah oo loo qabtay qarax ayna ku socoto baaritaan.

Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xasan Xaashi( Gabi Gabi) ayaa ugu baaqay shacabka Gobolka Mudug guud ahaan gaar ahaan shacabka reer Gaalacyo in ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab qof walba oo ay ka shakiyaan ay u soo sheegaan laamaha amniga si looga hortago falalka guracan oo ay kooxdu ku doonayso in ay ku wax yeelayso dadka shacabka ah.

Ugu danbayntii ayaa Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xasan Xaashi( Gabi Gabi) ayaa sheegay in falka qarax ay fuliyeen Al-shabaab ee ay ciidana Puntland kaga itaal roonaadeen dagaaladii ka dhacay xeebaha Gobolka Mudug iyo Nugaal haddana ay doonayaan in ay qaraxyo aargoosi ah ay ka fuliyaan goobaha dadka shacabka ah ay iskugu yimaadaan gaar ahaan Hotel, iyo Makhaayadaha waxaan uu taliyaha u digay dadka shacabka ah in ay Hoteladood ka kireeyaan dad aysan aqoon wax ay yihiin.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha ciidamada birmadka ee Gobolka Mudug C/rashiid Xasan Xaashi( Gabi Gabi)

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Taliye-Gabogabi-.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online