36 Arday oo ka qalijebisay Macahdka Khadiija ee Barashada Culuumta Shareecada Islaamka (Masawiro)

April 10, 2016 - Written by Editor

11Garoowe:-Maamulka Machadka Khadiija Binttu-Khuweylid ee Barashada Culuumta Shareecada Islaamka ee Magaalada Garoowe, ayaa u qabtay 36,Arday oo ka qalijebisay Macahdka, Xaflad si wanaagsan loosoo agaasimey oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika, Faraceeda Magaalada Garoowe.

Xafaladda waxaa ugu horraynii ka hadlay Maamulaha Machadka, Shiikh Muktaar Axmed Faarax, wuxuuna faahfaahiyey Ujeedada Xafladda loo qabtay, Tiradaa Ardaya, iyo arrimo kale, waxaana ka mid ahaa hadal-ladiisii.

“Macahdaka Khadiija waxaa la Asaasay sanad dugsiyeedkii 2005/2006, waxayna Ujeedada loo asaasay ahayd inuu Bulshada kaga aado kaalinta ah Barista Shareecada Islaamka, Heer Dugsi sare, taasoo Ardayda ka qalinjebisa usuurto gelin karta inay ku biiraan Jaamacadaha Dalka iyo ku dibadabiisaba, gaar ahaan Kulliyadaha Daraasaadka Islaamka, Shareeda iyo Qaanuunka, iyo Luuqadda Carabiga, Machadkani waa Machadka ugu Faracyada iyo Laamaha badan Puntland oo dhan, wana Macahadka Labaad Soomaaliya oo dhan, Tirada Maanta ka qalin jebisay waa 36,araday oo dhammaantood Gabdho ah, taasoo oo meesha kasaaraysa Dicaayadda ah inaan Gabdhuhu waxbaran, Sanadaha Machadka la dhigtaa waa 6,sano. waxaan umahadcelinaynaa dhamman ciddii iska lahayd Fikradda Asaaskiisa, iyo Taabo gelintiisaba”.

Aradaydii qalinjebisay waxay iyana kasoo jeediyeen Madasha Hadallo qiimo badan oo ku baxay Luuqadaha Soomaaliga, iyo Carabiga, kuwaasoo ay ku cibbireen dareenkooda Farxadda leh.

Mas’uuliyiintii Xafaladda ka hadlay iyo kuwii soo xaadiray waxaa ka mid ahaa.

G/xigeenada Jaamacadda Bariga Afrika Heer Puntlan, iyo Heer Gobol labaduba.
Guddoomiyaha Mu’asasada Alminhaag heer Puntland.
Guddoomiyaha Dalladda Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya.
Ganacasato, Culumaa’udiin, Waalidiin, Arday, Maamulada Iskuulada, iyo Marti saraf badan. kuwaasoo dhammaantood Ardayda ugu hambalyeeyey Guusha ay gaareen, kulana dardaarmay hadalo Murti xambaarsan.

Dhanka Dowladda waxaa Xafaladda kasoo qayb galay.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska, Marwo: Aniso C/qaadir Xaaji Muumin.
iyo W/xigaanka, Wasaaradda Waxbarashada, Dr: Maxamed Cali Faarax.

Labadan Mas’uul ayaa iyana kasoo jeediyey Xafladda Dhiirri gelin, iyagoona Taageero umuujiyey Maamulka Machadka iyo Ardaydaba.

Maamulka Macahadaka ayaa Shahaado Sharafyo wuxuu guddoonsiiyey Ardaydii Imtixiinka Kaalimaha hore ka galay,iyo Ardaydii ugu wanaagsanaa dhinacyada Maamulka, Dacwada, iyo Hawlkarnimada.

Gabagabadii waxay Ardaydu Guddoonsiiyeen Macalimiintoodii mudada dheer wax soo barayey, Maamulkii, iyo dhammaan Shaqaalaha Macahadka, hadiyado iyo Jaaizooyin aad uqiimo badan, oo ay ku maamuusayeen.

Musasat Al-Minhaaj
Garoowe,
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online