Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Aadan Yabaal (Dhageyso)

April 6, 2016 - Written by Editor

DFsCiidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa galabta waxaa ay si nabada ah kula wareegeen gacan ku heynta degmada Adan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen .

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS ee la wareegay degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa ay shalay ka soo ruqaansadeen deegaanka Muqokori iyo Maxaas  waxaana ay caawa fariisimo ka sameysteen daafaha magaalada Aadan Yabaal.

Degmada Aadan Yabaal oo ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-Shabaab waxaana ay ciidamada Al-Shabaab soo faaruqiyeen deegaano ka tirsan gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Itoobiya kana tirsan AMISOM ay soo gaaraaan deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan madaxada Al-Shabaab oo ka hadlay qabsashada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee degmada Aadan Yabaal.

Sarkaal ka mid ciidanka DFS oo lagu magacaabo Maxamed Muumin Climi ayaa wareysi siiyey idaacada VOA isaga xaqiijiyey in ay qabsadeen Degmada Aadan Yabaal.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online