Dagaal ka soconaya Duleedka Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe

April 5, 2016 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMMuqdisho:-Wararka ka imaanaya Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo duleedka degmada Aadan-yabaal  dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS oo wada socda  iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday ka dib markii ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFS ee ka yimid deegaanka  Muqokori ay soo gaareen duleedka Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe .

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay Madaafiic ku soo rideen Degmada Aadan-yabaal ayna ka cabsi qabaan in gudaha Degmada lagu dagaalamo.

Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa shalay ilaa maanta ka jiray dhiilo colaadeed ka dib markii ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFS ay ka soo ruqaansadeen deegaanka  Muqokori.

Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan DFS iyo kooxda Al-Shabaab oo ka hadlay iska horimaadka ka socda duleedka Degmada Aadan-yabaal .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online