Guddiga Culumada ee Gurmadka Abaaraha Puntland oo ugu baaqay Dowladda Puntland.[Daawo]

April 22, 2016 - Written by Editor

Guddiga-abaarahaBoosaaso:-Guddoomiye Guddiga Culumada ee gurmadka abaaraha Sheekh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur iyo Guddoomiye ku xigeenka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku Qabtay magaalada bosaso ayay kaga hadleen biyo la’aan ba’an iyo abaaro ka jira inta badan degaamadda puntland, waxayna ugu baaqeen dowladda puntland inay qaadato kaalin muuqata.

Sh. Fu’aad Xaaji Nuur wuxuu ku dhaliilay dadka reer Puntland ee dhaqaalaha iyo shirkadaha waaweyn haysta iyo dowladda Puntland inaysan dareesanayn xajmiga ay leedahay abaarta iyo biyo la’aanta ku habsatay xoolo dhaqatada reer Puntland.

“ Ummada walba qaabka ay bulshadeeda u gargaarayso iyadaa iska leh inay siyaasadeeda dejiso , hay’adaha dalka jooga biyo waa dhaamiyaa, laakiinse waxaa yaab leh hay’aduhu waxay leeyihiin biyaha waxaanu ku shubaynaa tuulooyinka, annagu xoolo shuqul kuma lihin oo arrimaha bani’aadanimada ayaanu ka shaqaynaa” ayuu yiri Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

“Waajibka Saaran dowladda puntland waxaa weeye inay hay’adaha u sheegto in khayraadka ay bulshadda soomaaliyeed reer Puntlad ay ku nool yihiin uu yahay Neefka xoolaha, oo muhiimada gaarka ah u leh” ayuu sii raaciyay Sh.Fu’aad Xaaji Nuur.

Waxaa jira Puntland ka jira Guddiga Culumadda ee gurmadka iyo Guddiga gurmadka abaaraha dowladda oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne k/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camay iyo Hay’ada ka hortega masiibooyinka puntland oo lagu magacaabo Hadma, iyadoo shirkii gollaha wasiirada ee maalintii khamiistii lagaga hadlay xaaladda abaartay, islamarkaana laga codsaday beesha Calamka iyo hay’adaha kale in gurmad la gaasiiyo dadku abaartu saamaysay.

Gees kale, Guddiga culumadda ee gurmadka abaaruhu waxay faahfaahin ka bixiyeen lacago ay soo gaarsiiyeen guddiga Jaaliyadda reer puntland ee finland oo ku deeqay lacag dhan $2500, waxaa kaloo guddigu u mahadceliyeen shirkado iyo shaqsiyaad ku deeqay lacag biyo dhaamin iyo taakulayn loogu sameeynayo qoysaska ay abaartu ku dhufateen.

1.Jaaliyadda Puntland Society of Finland $ 2500

2. Jaaliyadda Opsala ee Sweden oo wakiil u ahaa maxamud maxamed Tarabi $1380

3. Shaqaalaha Soomaalida ee Hay’ada Care $1340

4. Iskaashatada Gaadiidka PL-ka ee Bosaso $1000

5. Ganacsade Cumar Cali Xasan (Dubai) $1000

6. Cali Nuur (UK) $100

7.Aamino Yaasiin Warsamed (Garowe) $499

8.Shirkadda Daawooyinka ee Shaafici $5000

Arrintu si kastaba ha haatee, Maalmihii la soo dhaafay waxaa qaylo dhaan hor leh ay ka soo yeertay dadka xoolo dhaqatada eek u noo degaamo iyo degmooyin hoos yimaado gobolka Nugaal , wacay ka cabanayaan biyo laa’aan iyo xoolihii oo halis ugu jira inay dhintaan.

Hoos ka Daawo gudiga gurmadka Abaaraha Puntland oo baaq u jeediyey dowladda Puntland iyo Jaaliyaadka dibadda ku nool

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online