Guddiga Culumadda ee Gurmadka Abaaraha Puntland oo soo Bandhigay Deeqo Lacageed oo soo gaaray.[Masawiro]

April 14, 2016 - Written by Editor

3Boosaaso:-Guddiga Culumadda ee gurmadka abaaraha puntland ayaa ka warbixiyay deeq lacageed oo guddiga ka soo gaartay oo dad soomaaliyeed oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ugu deeqeen qoysaska a abaaraha iyo biyo la’aanta ay saamaysay ee ku nool miyiga qaar ka mid ah goboladda puntland. Guddiga gurmadda ee culumadda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda bosaso, oo ay goobjoog ahayeen Sh. Daahir Aw-Cabdi, Sheekh Axmed Yuusuf Daad, Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sh. Fu’aad Xaaji Nuur ayaa sidoo kale laga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka iyo gurmadka biyo dhaaminta ee ay ka sameeyeen goboladda qaarkood.

Guddoomiyaha guddiga abaaraha puntland Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur ayaa ka warbixiyay mudadii ay socotay gurmadka abaaraha,lacago deeq ah oo soo gaaray guddiga, kuwaasi oo ays oo direen dad muxsiniin , Shirkadda iyo iskaashatooyin maxali ah oo ka danqaday dhibaatadda abaarta iyo biyo la’aantu ay ku hayso walaalahooda xoolo dhaqatadda ah.

Liiska dadka lacagaha soo Gaarsiiyay Guddiga

1. Iskaashatadda Gaadiidka Dalmar $5000

2. Mu’asasada Al-Irshaad oo Ingiriiska degan $4100

3. Jaaliyadda W/Denmark Arhus (Wakiil Webka Puntlandi} $3000

4. Aamino Aadan Cameey $3000

5. Faadumo Diiriye (Gothenburg ) $1500

6.Bosaso qof Muxsin $2000

7. Jaamac Faarax Linkaping $300

8. Umu Ayuub (Canada) $500

9.Baashi Xasan Tubaaho (Denmark) $567

10.Maryan Maxamed Nuur ( UK) $200

11.C/risaaq Maxamed Cali (USA) $100

12.Xaliimo Yuusuf Mahad (UK) $500

Gees kale, Guddoomiyaha Guddiga abaaraha Sh.Fu’aad Xaaji Nuur ayaa sheegay in mudadii ay socotay biyo dhaaminta qaybo ka mid ah goboladda puntland ayaa gurmad biyo dhaamin oo dhan 210 (Labo boqol iyo 10 booyadood) ay gaarsiiyeen goboladda karkaar iyo Sanaag ee puntland.

“ Gobolka Sanaag ayaanu ku hormarnay, waxaanu ka bilownay fiqi fuliye iyo degaanka hoos yimaada, xingalool iyo degaamada ku hareeraysan, bali busle iyo degaamada hoos yimaada iyo baraagaha qol dhulkaas waxaanu ku soo qaybinay 115 booyadood” ayuu yiri,wuxuuna sii raaciyay.

“ Dhinaca gobolka Karkaar, waxaanu biyo dhaamin ka samaynay Cambaar hoose, liqaan, Adingari, Qodax, Xumbays, Ceel la helay, Dabqax, Uur jire, Qaarar soor, Dhulkaasna waxaanu ku soo qaybinay 95 booyadood, marka lagu isk daro waxay noqonayaa 210 booyadood” ayuu yiri Sheekh Fu’aad

Dhinaca kale, Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah guddiga culumada ee gurmadka abaaraha ayaa ugu baaqay ummada soomaaliyeed ee ilaahay wax siiyay inay soo caawiyaan walaalahood Soomaaliyeed ee haraad iyo abaartu ay haleeshay, waxaana uu ilaahay ka beryay in roob lagu doogsado oo haraadka biiya inuu ilaahay ku qaboojiyo degaamadu abaartu ay saamaysay.

Gabagabadii, Guddiga culumadda ee gurmadka abaaruhu waxay sheegeen in abaartu ay aad u baahsantahay , ayana maalmaha soo socda ay howlo biyo dhaamin ah ay ka bilaabi doonaan degaamadda kale ee biyo la’aanta iyo abaartu ay ka jirto ee goboladda puntland, waxayna u mahadceliyeen dhamaan dadkii deeqda lacageed soo gaarsiiyay guddiga ee dalka guduhiisa iyo dibadiisa jooga.

Guddiga Culumadda ee Gurmadka Abaaraha Puntland
Faafin:Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online