Halgankii iyo ilaalintii afka soomaaliga (Qormo kooban).W/Q Yusuf Nuur Osman

April 22, 2016 - Written by Editor

hqdefaultLondon:-Haddii aan soo koobo halgankii loo soo maray ilaalinta afka soomaaliga, waa arin aad iyo aad u adkayd oo dhib badan laga soo maray.Qodobkaan (af soomaaliga) wuxuu ka mid yahay afartii qodob ee ugu muhiimsaneed oo ay ku shaqaynayey Ururkii SYL ee xoraynta Soomaaliya.Waxay kala ahaayeen iyadoo la soo koobay:-

Qodobka 1. In la abuuro dowlad soomaali leedahay oo xor ah oo dadku daacad u yihiin.

Qodobka 2. In la raadiyo oo gumaysiga laga saaro guud ahaan 5ta soomaaliya.

Qodobka 3. In la tirtiro qabyaaladda iyo waxii wax u dhimaya midnimada Soomaalida, dadkoo ah dad isku diin ah iyo in diinta Islaamku tahay diinteena.

Qodobka 4. In hiddaha iyo dhaqanka la lilaaliyo oo afka soomaaligu ugu horreeyo.

Waa qodobbadii oo aan muhimmaddoodii soo koobay. Muddo 10 sano ah buu wacyi gelintaas iyo dagaal hoose waday ururku. Dad soomaali ah baa go’aankaas qaatay iyo in halganka loo huro nafta iyo wakhtiga.

Muddo 10 sano ka dib ayaa waxaa laga sameeyey Soomaaliya maamulkii hoose ee UNta oo talyaani madaxa u ahaa. Talyaanigu wuxuu xoog u weeraray sidii uu dadkaan wax uga beddeli lahaa gaar ahaan wuxuu xoog saaray afka iyo sidii uu wax uga beddeli lahaa. Wuxuu abuuray inuu dadkii isku diro. Soomaalidu waxay markaas ka soo kabatay dhibaatadii qabyaaladda oo waa cusub oo soomaalinimo ah baa u beryey, taasoo ay muddo SYL dadka ku wacyi gelin jirtay.

Waxaa taas caddayn u ahayd markii muddo qabyaaladdii yaraatay. Laba oday oo wadahadlaya buu mid weyddiiyey kan kale “Qabiilkaagu yuu ahaa?”
Qabiil waa: Dad dhalasho ama dhaqan wada sheegta. Qabyaalad waa: Qof qabiilnimada iyo sheegashadeeda dad kale ku dhibaateeya. Taas danbe bey SYL aad ula dirirtay.

Talyaanigu isagoo si fiican u yaqaan Soomaalida buu wuxuu dhex dhigay buuq oranaya lahjaddee lagu shaqaynayaa oo la qorayaa markaas buu wuxuu abaabulay dad soomaali ah oo leh dadku isku lahjad maahan oo waxay isku af garan karaan afka diinta ee carabiga ee carabiga aan ku shaqayno oo hala qoro. SYL iyo urur hoosaadkii Goosanka oo muddo dadka barayey Af soomaaliga fartii la oran jirey, waxay u uloleeyeen in af soomaali laga dhigo tan labaad.

Arrintaas isagoo ka faa’ iidaysanaya Talyaanigu wuxuu soo jeediyey, in dadka afti laga qaado. Waxaa la weyddiinayaa, in afka labaad ee lagu shaqaynayo oo raadiyayaasha iyo dowladdu aqoonsan tahay la doorto. Afka kowaad waa talyaani, kan labaad su’aal baa la geliyey dadku ha kala doorteen Af Soomaali iyo Carabi.

Waxaa laga soo xulay dad magaalooyinkii waagaas waaweynaa. Sidaan baa xubnaha loo soo xulay: Kismaayo 200 baa codaybaysa waxay u codeeyeen af soomaali, Baydhabo 200 waxay u codeeyeen af carabi, Marka 200 waxay u codeeyeen carabi, Xamar 200 waxay u codeeyeen carabi, Galkacyo 200 waxay u codeeyeen 100 carabi 100 af soomaali, Boosaaso 200 waxay u codeeyeen Soomaali. Sidaas baa waxaa guushii u raacday carabiga.

In kastoo ay carabigii guushii raacday misana way socon weyday. Waxaa jiray dadaalo badan afka soomaaliga lagu xoojinayey iyo guubaabo badab oo dhanka suugaanta iyo heesaha ka imaanayey.

Maanta Maanta Maanta waa maalin weyne manta, maanta maanta maanta madaxeen bannaane manta ……..War maxaa ka dhacay meeshii la xoonsanaaa….
Maanta oo waddanku muddo xor ahaa baa waxaa soo if baxay dad soomaali ah, dhaqan gumaysi wada, oo waliba mas’uuliyiin u badan. Kuwaasoo afkii hoosta galiyey. Aqoon yarida jirta darted baa meeshaas gaarsiisay iyagoo kala garan waayey maxaa lagugu jeclaan karaa oo madaxnimadaada qiima u yeelaya baa badankood aaminsan yihiin in luuqad kale lagu dheeho af soomaaliga.

Gunaanad
– In la ogaado afku inuu ugu muhiimsan yahay ummad jiritaankeed

– In mas’uuliyiinta soomaalidu ay joojiyaan, inay ku dhafaan af soomaaliga af kale

– In dadka soomalida ee wax garadka ah u halgamaan sidii afka loo ilaalin lahaa

– In meelaha ay maamulladu ka jiraan ay furaan cilmi baaris afka ah

– Qof kasta oo soomaali ku hadlaya, ha joojiyo dheehidda luuqad kale (waa ceeb).

– Intaas iyo wixii wax garadku ku siyaadinayaan baa nala gudboon.

Suugaan yahannadii Soomaalida maxay ka yiraahdeen arintaa. ?

Hadal waxaa dhammeeyey AUN Cali Sugulle markuu yiri Afqalaad aqoobta miyaa maya maya ee waa intii qofka Eebe gashaa.
Aad bey uga hadleen ee ma soo koobi karo. Saddex abwaan baa tusaale u soo qaatay:-

Cismaan Yuusuf Keenadii:-

– Afkaa inagu gaariyo codkaa laysku garanaayo.

– niman baa gensadey oo ka jecel mid ayan gaareyne.

– ugumana garfaaraan raggii goosanka ahaaye.

– labadaa ra’yoo kala geddoon yaw garnaqi doona. ?

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) – Afku nolosha waw tiir, La’aantiisna tuur iyo – Tulux lagama waayeen, Tayo may lahaateen – Dhaqan lama tallaaleen, Qaran lama tusmaysteen.

– Nin kastaa ha tookhee, Far baa lagu tanaadaa.

M. Shakuur

– Sida runah sidaan qabo, Sida marag ma doonta ah.

– Sida aan muran iyo sarif kale bannaaneyn.

– Afka hooyo waa sumad sifo weeye jiritaan Iyo seeska gobomino.

Qore: Yuusuf N. Cismaan

Leave a comment

Warning: Undefined variable $user_ID in /customers/7/9/5/halgan.net/httpd.www/halgan/wp-content/themes/hg/comments.php on line 61

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online