Imaankii Masjidka al-Nabawi Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub oo geeriyooday

April 16, 2016 - Written by Editor

ayuubALLAHA u naxariistee waxaa maanta geeriyooday magaalada Madina ee dalka Sacuudi carabiya Imaankii Masjidka al-Nabawi Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub, Allaha u naxariistee Sheekhu waxaa uu ku dhintay 64 sano jir sidda ay sheegtay wakaaladda wararka ee sacuudiga. Allaha u naxaristee  Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub ayaa ahaa Sheekh dunida Islaamka aad looga yaqaan  waxaan  Sheekha uu ka bartay diinta Iyo Quraanka  Sh Jaliil Cabdirahman waxaa uu ku dhashay  magaalada Makkah sannadkii 1372 Hijriyada oo ku beegan 1952-dii isagoo 1999 noqday Imaanka masjidka Nabawi.

Allaha u naxaristee  Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub ayaa waxaa uu cilmiga ka qaatay culimo waaweyn oo laga xusi karo  Sh Maxamed  Amiin Shanqiidi, Sh Cabdi Muxsin Cabaad iyo culimo kale oo waaweyn waxaan Sh maxamed Ayuub ka mid ahaa culimada dhinac quraan ugu horeeya dunida Islaamka. Allaha u naxaristee  Al’qari Sheekh Maxamed Ayuub ayaa waxaa lagu aasay Qubuuraha loo yaqaano al-Baqiic waxaan duugtiisa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan halka boqolaal kun oo kale  ay baraha bulshada ku qoreen caalimka quraanka Sh Maxamed Ayuub in uu geeriyooday.

Hoos ka Daawo أمنية الشيخ محمد أيوب قبل وفاته | اللهم اغفر له وارحمه

Hoos ka Daawo الآلاف يشيعون جنازة الشيخ محمد أيوب إمام المسجد النبوي

تشييع جنازة الشيخ محمد أيوب 1437 ، صور جنازة الشيخ محمد أيوب 2016 ودفنه في البقيع

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online