Jaaliyada Beesha Khaalid oo ka bilowday iskuulka magaalada Sooljoogto oo ah mashriic Horumarineed‏[Video/Masawiro]

April 29, 2016 - Written by Editor

IMG_7513-768x512Laascaanood:-Jaaliyada Beesha Khaalid ayaa ka bilowday iskuulka magaalada Sooljoogto mashruuc isugu jira qolal iyo dhisme barkad biyood taasi oo ay baahi wayn u qabeen ardayda iyo macalimiinta iskuulka deegaanka Sooljoogto oo hoos yimaada magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.Daahfurka mashruuucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha magaalada Sooljoogto Maxamed Saciid Aw Cabdi maamulaha iskuulka Sool joogto iyo sidoo kale wax garadka deegaanka Sool joogto.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacada briga afrika ee buuhoodle Dr C/shaafi Axmed Cali oo wakiil ka ahaa jaaliyadda mashruucan fulinaysay oo isagu faah faahina kabixiyey mashruucani iyo ula jeedkiisa. Sidoo kale waxaa halksaasi ka hadlay maamulaha iskuulka sooljoogto Axmed Aadan Cali iyo gudoomiyaha magaalada sooljoogto Maxamuud Siciid Aw Cabdi iyo Ismaaciil Goox oo ka mida odayaasha sooljoogto dhamaantoodna waxay mahad balaadhan u soo jeediyeen jaaliyada beesha Khaalid oo mashruuucan fulisay.

Sidoo kale waxaa halkaasi kahadlay gudoomiyaha ururka ILAYS ee tageera wax barshada Dhuux Faarax Jaamac Dayl dar daaran xoogana usoo jeediyey dadweynaha reer Sool joogto gudaha iyo dibadaba.

Ugu danbayntiina Dr C/shaafi Axmed Cali ayaa lacag deeq ah oo ka timi jaaliyad ku wareejiyey gudoomiyaha magaalada Sooljoogto taasi oo loogu tala galay qodaalka Berkada iskuulka sooljoogto .

Hoos ka eeg Jaaliyada Beesha Khaalid ay ka bilowday iskuulka magaalada Sooljoogto

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online