Kusimaha Madaxweyna dawladda Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Arday Tartanka Qur’aanka muqdisho kaga qayb gashay[Masawiro]

April 25, 2016 - Written by Editor

IMG_6687Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 25-April-2016 xafiiskiisa ku qaabilay ardaydii reer Puntland ee  dhowaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah kaga qayb gashay Magaalada Muqdisho oo uu kujiro ardaygii  Soomaaliya oo dhan kaalinta koobaad u galay Tartanka Qur’aanka Cumar Cismaan Cali.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culumada iyo Ismada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax iyo Ardaydii Puntland uga qayb-gashay Tartankaasi.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa waxaa sannad walba kasoo qayb gala Arday ka kala socota 18-ka Gobol ee Soomaaliya, iyadoo kaalinta koobaad uu galay arday ka socda gobolka Bari-Boosaaso, kaalinta labaadna Jubbada Hoose-Kismaayo, Kaalinta saddexaadna Woqooyi-Galbeed Hargaysa, Kaalinta Afraadna Togdheer-Burco halka kaalinta shanaadna uu galay arday ka socda gobolka Banaadir-Muqdisho.

Sidoo kale sannadka soo socda ayaa tartankaasi waxaa lagu qaban doonaa Puntland haddii Eebbe idmo, iyadoo looga golleeyahay xoojinta midnimada iyo isdhex-galka ummadda Soomaaliyeed ayaa sannadba waxaa lagu qaban doono mid ka mid ah xarumaha dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa bogaadiyey ardaydii yaryarayd ee dedaalka dheeriga ah ku bixisay sidii ay guulo wax ku ool ah uga soo hoyn lahaayeen tartanka Qur’aanka Kariimka ah, sidoo kale waxa uu xusay In Qur’aanku uu yahay wax la barto waxa ugu khayrka badan, isagoona ammaan iyo bogaadin hawada u mariyey waalidiintii ku ku barbaariyey  ubadkooda barashada Qawlka Eebbe.

Ugu dambayn, Kusimaha Madaxweynaha ayaa ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda sii laba jibbaaraan isla markaana ay ka fogaan fikrada khaldan ee ay baahiyaan kooxaha liddiga ku ah caqiidada saxda ah iyo guud ahaan barashada diinta Islaamka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online