Madaxwaynaha dowladda Federaalka oo si rasmi ah u furay shirka looga hadlayo doorashooyinka

April 10, 2016 - Written by Editor

xasan-1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh.Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada. Madaxweynaha, khudbad uu madasha ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan looga hadli doono ajendayaal ay ka mid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay, in laga munaaqishoodo barnaamijka siyaasadda dowladda ee amniga qaranka, iyo barnaamijka dib u eegista dastuurka KMG ee qaranka.

“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in barnaamijyada siyaasadeed ee socda ay muhiim tahay inay noqdaan kuwo daah-furan, loo wada dhan yahay, isla markaana leh sharciyad iyo kalsoonida shacabka.

Mudane Sharma’arke ayaa intaa raaciyay in dhammaan hawlahani la qabanayo ay lagama maarmaan tahay in Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in shirka dib u eegista dastuurka uu ka dhaco magaalada Garowe, bisha May ee nagu soo aaddan.

Waxaa isna kulanka sharaxaad ku saabsan barnaamijka siyaasadda amniga qaranka ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirka waxaa iyana hadalo ka jeediyay, isla markaana muujiyey taageero ku aaddan geeddi socodka hannaanka siyaasadda ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Jubbaland (Axmed Maxamed Islaam), Galmudug (Cabdikariim Xuseen Guuleed), Koonfuur Galbeed (Shariif Xasan Sheekh Aadan), iyo iyo Puntland, (Cabdiweli Maxamed Gaas).

————————– DHAMMAAD———————————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online