Madaxweynaha Dawladda Puntland oo caawa hoygiisa ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.[Masawiro]

April 7, 2016 - Written by Editor

IMG_4948Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 7-April-2016-ka booqasho salaan ah kusoo booqday hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garoowe Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah Issimada Puntland.

Booqashada Madaxweynuhu uu kusoo booqday islaanka ayaa waxaa ku wehelinaysey Marwada Madaxweynaaha Dr’s Hodon Siciid Ciise waxaa ay booqashadaasi ay ka-mid tahay booqashooyinka uu Madaxweynuhu kusoo booqdo isimada Puntland maadama isimadu ay laf-dhabar u yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer indho-indhayn ku tegey caawa saldhigga dhexe ee Booliska ee Garoowe, waxaana uu soo indho-idheeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay saldhigaasi oo xilligaasi ay ka socotey shaqadiisii caadiga ahayd.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu waraystay dhibanayaal haween u badnaa oo ku sugnaa qolka Oobiga kuwaas oo  Booliska usoo gudbinayey cabashooyin ay qabaan si Boolisku uga hawl-galo isla markaana gacan bir ah loogu soo dhigo qaswadayaashaasi .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale sarkaalkii heegganka hayey, taliyaha qaybta Boliiska  gobolka Nugaal iyo  saraakiishii kale ee goobta ku sugnayd ka xog-waraystay qaabka ay shaqadu u socoto iyo nabad-gelyada guud ee caasimadda gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Waxyaabihii uu Madaxweynuhu la kulmay muddadii uu uu kormeerkiisa kujirey waxaa kamid ahaa ciidamada ammaanka oo hawlohoodii caadiga ahaa watey, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayey, waxaan jid walba oo kamid ah jidadka caasimadda joogey ciidamo kuwaas oo baadhayey gawaadhida iyo dadka caadiga ah ee dhexmarayey magaalada si’aanay shacabka ugu soo dhex dhuuman kooxaha dembiilyaasha ahi  .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhexmaray dhammaan jidadka magaalada caasimadda ah ee  garoowe isagoo aan wadan ciidamadii looga bartay madaxdu in ay adeegsadaan xilliyadaas oo kale, arrintaas ayaana muujinaysa nabad-gelyada iyo xasiloonida ka jirta caasimadda Puntland ee Garoowe.

Geba-gebadii, kormeerkii Madaxweynaha ayaa kusoo dhammaaday jawi deggan oo xallisoon, waxaana uu kusoo laabtay Madaxweynuhu hoygiisa uu ka deggan yahay qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online