Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Heshiis Taariikhi ah la saxiixday Maalqabeen u dhashay Dalka Sucuudiga.[Masawiro]

April 28, 2016 - Written by Editor

4Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan hawlo shaqo oo muhim ah u joogey magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta 28-April-2016 heshiis taariikhi ah oo ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland waxa uu la saxiixday Maal-qabeenka weyn ee kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Heshiiskaasi ay kala Saxiixdeen Madaxweynaha dawladda Puntland iyo maal-qabeenka sucuudiga ayaa ah dhismaha Deked laga dhisi doono magaalada Garacad ee Gobolka Mudug, waddo laami ah oo isku xidhi doonta magaalooyinka Garacad iyo Galdogob, iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo  oo loo dhisi doono hab caalami ah.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Amiir Suldaan bin Naasir waxay ku heshiiyey in Amiirku maal-gashada Wershado kalluunka  qasacadeeya iyo qaboojiyayaal waaweyn oo laga hirgelindoono deegaano xeebeedyada Puntland ee ay kamidka yihiin Laasqoray, Baargaal, Xaabbo, Ayl iyo Garacad.

Maal-gashiga xoolaha nool iyo dugsiyo lagu baran doono xirfadaha kalluumaysiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha ayuu sidoo kale ballan qaaday Amiirku in uu ka hirgelin doono deegaano kala duwan oo kamid ah gobollada Puntland, isla markaana waxaa laysla qaatay in heshiis kaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka degey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia,  halkaas oo uu shirar iyo kulamo kala duwan kula qaadan doono madaxda ugu sarraysa dawladda Ethiopia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan-qaaday markii uu la wareegey hoggaanka Puntland in uu  is beddel muuqda ku samayn doono dhismaha kaabayaasha dhaqaala iyo koboca dhaqaalaha Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online