Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Khudbad ka Jeediyay Television-ka Dawladda Puntland.[Daawo Video]

April 5, 2016 - Written by Editor

IMG_4654Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo ay taariikhdu tahay 05, April 2016 waxa uu si rasmi ah u booqday xarunta dhexe ee warbaahinta Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu si toos ah shaashada Puntland Tv ugala hadlay guud ahaan shacabka Puntland iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta ay Dawladda Puntland u saxiixday heshiiskii dhowaan lagu gaaray Caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu tilmaamay in ay masuuliyad ka saaran tahay geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin ku haboon sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar , loogana saari lahaa caqabadaha hor taagan dib u dhiska dalka dhan kastaba.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbaddiisa ku sharaxay ujeedka ay Puntland u gashay heshiiskii Garoowe, wuxuuna yiri “ Inta aanan sharxin wuxuu xanbaarsan yahay heshiiskani, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in ay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu kusoo ururtay.

1- In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland. Wax maslaxad Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana maaha, kala go’cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo jiritaankii Soomaaaliya.
2- In 4-ta sano ee soo socota aan ka harno geeddi socodka doorashooyinka , masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn .
Sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo Soomaaaliya dhexdeeda. Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay in ay wiiqanto midnimada Puntland.

3- Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku lahayd hogaaaminta Soomaaliya. “Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay oon isla garanay in maslaxadda Puntland iyo Soomaaliya ay ku jirto in aan qaadano qodobka saddexaad”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahad celiyay dedaalkii dheeraadka ahaa ee ay sameeyeen guddigii Dawladda Puntland ay u wakiilattay wada hadaladii kala duwanaa ee ku saabsanaa geeddi socodka nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Hoos ka daawo Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli oo kala hadley Shacabka PUNTLANDTV

DHAMMAAD–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online