Madaxweynaha Dawladda Puntland oo sagootiyey waftigii uu hoggaaminayey Ra’iisul-wasaaraha DFS.[Masawiro]

April 6, 2016 - Written by Editor

IMG_4734Garoowe:-Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6-April-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko  ee duleedka Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiis Cali Sharma’arke iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee  Puntland u yimi xallinta khilaafkii u dhexeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirey arrimaha doorashooyinka 2016, isla markaana ku sugnaa caasimadda Puntland muddada ka badan 10-ka cisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka ayaa qayb ka ahaa sagootinta Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo kusii jeedey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay garoonka diyaaradaha ku qabteen Madaxweynaha Dawladda Puntlan diyo Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadalka ku horreeyey ku sheegay in ay guul ku dhammaadeen hawlihii qaran ee uu Ra’iisul-wasaaruhu u yimi Puntland isla markaasina ay maanta meesha u yimaadeen Sagootintiisii oo keliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay heshiiskii taariikhiga ahaa ee  dhowaan dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa mid ummadda soomaaliyeed oo dhan ay dani ugu jirto isla markaana dhabbaha u xaadhaya waddadii looga gudbi lahaa marxaladaha adag ee doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo lagasii amba-qaadi doono heshiiskii Garoowe, kuwaas oo dhidibada loogu taagi doono dawlad soomaaliyeed oo tayo leh oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii Soomaaliyeed, shirarkaasi oo lagu qaban doono magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo meelo kale.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa geestiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bisaylka siyaasadeed iyo waddaniyadeed ee dawladda Puntland muujisay, taas oo ah mid ay mudan tahay in ay soomaali oo dhammi kaga daydaan.

Sidoo kale ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo looga hadli doono hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Dowladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,  kuwaas oo looga wada hadli doono hannaanka geeddi-socodka doorashooyika 2016-ka iyo dhammaystirka dastuurka qabyo qoraalka ee Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online