Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galey furitaanka shir madaxeedka amniga Afrika

April 16, 2016 - Written by Editor

BahirDar1Addis:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa). Shirkaan ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii sanno ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado is-dhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasaradaha.

Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud ayaa sheegay in madashan ay gogol xaar wanaagsan u tahay qaaradda Afrika inay mashaakilaadkeeda xal u hesho, kana wada shaqeyso la dagaalan ka xagjirnimada, kala qoqobka shucuubta Afrika iyo in diiradda la saaro horumarka iyo iskaashiga caalamka intiisa kale. Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika,laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale.

Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, oo furitaanka kulanka ka hadley ayaa sheegay in Afrika aan looga maarmin inay door muuqda ku yeelato go’aaminta arrimaha amniga caalamka, maadaama ay leedahay muhimad dhaqaale, siyaasad iyo amni intaba.

Shirkan labada maalmood soconayaa ayaa dadka ka hadli doona waxaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha Africa, Xoghayihii hore ee Guud ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan iyo diblomaasiyiin kale.

————-DHAMMAAD———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online