Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay

April 7, 2016 - Written by Editor

IB0A7931Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada oo caafimaadka ugu horreeyo. Maanta oo ku beegan 7-da April oo ah maalinta caafimaadka adduunka, ayaa Ururka Caafimaadka Dunida ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku xustey khatarta cudurka halista ah ee kaadi macaanka ama sokorowga loo yaqaan.

WHO waxay sheegtay in tirada dadka qaba xanuunkan sannadkii 2014 lagu qiyaasay inay gaarayeen in ka badan 400 oo milyan, taas oo afar jibbaar ka badan qiyaasihii 1980-kii oo ahaa 100 milyan oo qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xanuunka sokorowga ka sokow ay Soomaaliya ka jiraan xaalado caafimaad oo darran oo dowladda iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ay xoogga saarayaan sidii wax looga qaban lahaa.

“Si waddan uu horumar u gaaro waxaa muhiim ah in la helo bulsho caafimaad qabta. Waxaan xoogga saaraynaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ka hortagga cudurada kala duwan ee khatarta ku ah bulshadeena. Wasaaradda Caafimaadka, laamaha kale ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga waxay ka wada shaqeynayaan sidii dib si buuxda loogu soo nooleyn lahaa adeegyadii caafimaad ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo dalka ku sugan uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg caafimaad oo dhameystiran, lana filayo in mustaqbalka dhow hadafkaasi la gaaro.

———–DHAMMAAD————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online