Madaxweynaha Puntland oo maanta Boosaaso dib ugu soo laabtay (Masawiro)

April 30, 2016 - Written by Editor

IMG_6704Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa waddamada  Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta 30-April-2016 dalka dib ugu soo laabtay waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb-qayb guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso waxa uu ka warbixiyey safarkiisii uu ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Safarka Madaxweynaha oo ka bilawday dalka Ethiopia ayuu sheegey Madaxweynuhu in uu kula kulmay Magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi oo muddo ay socotey arrinta la xiriirta furitaanka kastamkaasi.

Sidoo kale safarkii uu Madaxweynuhu ku tegey dalka Sucuudiga ayuu xusay in uu daarranaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah oo dalka maal-gashada,  isla markaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiis taariikhi ah ku qotoma dhismaha deked laga dhisi doono Garacad, waddo laami ah oo  isku xidhi doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono dhammaan gobollada Puntland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  sheegay in dawladdiisu ay xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maal-gashiyo caalami ah oo dalka lagu samaysto, waxaana ku tilmaamay safarkaasi guul usoo hoyatey dadka reer Puntand.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online