Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo xadhigga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.[Masawiro]

April 20, 2016 - Written by Editor

IMG_6365Boosaaso:-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland  anha kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20-April-2016 waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga oo dhowaan laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay munaasabaddii Wasaaradda xadhigga lagaga jarayey Wasiirka Arrimaha gudaha, ku-xigeenkiisa, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, ku-xigeenkiisa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimayaal, shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dadweyne kale.

Ka hor intaan xadhigga laga jarin dhismaha cusub ee Wasaaradda ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka sida jaan-dheerta taas oo lagu muujinayey doorka ay wasaaraddani u leedahay arrimaha dhaqanka iyo bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dhismahan oo uu goob joog ka ahaa dhagax dhiggiisii  muddo 10 bilood ka hor ah uu maantana xadhigga ka jarayo.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay Wasaaradda Arrimaha gudaha in ay ka mid tahay wasaaradaha ugu miisaanka weyn Puntland maadaama ay ku taxalluqaan dhammaan dawlaha hoose ee degmooyinka Puntland iyo horumarinta reer miyiga oo ah laf-dhbarta dalkeena, isla markaana ay xaq u leedahay in ay hesho dhismahan iyo mid kasii ballaadhan ba si bulshada loogu adeego.

Ugu dambayntii kusimaha Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Arrimaha in ay dar-dar geliyaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhammaystiraan dhismaha degmooyinka aan lahayn golayaasha deegaanka, maadaama Puntland ay dhowaan u guuri doonto hannaanka dimuqraadiyaynta iyo asxaabta badan ayna lagama maarmaan tahay in degmo waliba ay leedahay gole deegaan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online