Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Camey oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay.[Masawiro]

April 19, 2016 - Written by Editor

IMG_6322Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 19-April-2016 qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xog-haya guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya dhinaca aadanaha Peter de Clercq.

Kulanka uu Madaxyne ku-xigeenku uu la qaatay  Peter de Clercq ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Wasiiro, Hay’adda Waddooyinka Puntland,Taliska Ciidanka Police ka Puntland iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland, halka dhinaca hay’adaha qaramada midoobeyna ay uga soo qayb galeen  Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Madaxa UNDSS ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay hay’adaha WHO, IOM iyo UNAIDS oo dhammaantood kamid ahaa waftigii uu hoggaaminayey Peter de Clercq.

Ujeedka socdaalka waftigu ayaa salka ku hayey gurmadka abaaraha ka jira Puntland iyo doorkii ay ka qaadan lahaayeen hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawl gala Puntland iyo sidoo kale sidii loo dar-dargelin mashaariicda ay qaramada midoobey kawado Puntland.

Dhinaca kale Peter de Clerc ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga war-bixiyey halka uu marayo baaqii dawladda Puntland ay u dirtay hay’adaha qaramada midoobey ee ahaa in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha xilligan ka jira Puntland, waxaana uu sheegay in hay’adaha oo dhammi  ay samaysteen  qorshayaal  cusub oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Puntland ay waddo dedaallo ay kula tacaalayso abaaraha baahay ee ka jira Puntland isla markaana ganacsatada iyo  bulshada rayidka ahiba ay iyaguna ka qayb qaateen gurmadka abaaraha balse weli uu meesha ka maqan yahay doorkii qaramada midoobey, loogana baahan yahay hay’adaha qaramada midoobey in ay qaybtooda ka qaataan abaaraha saameeyey dadkii iyo duunyadiiba ee ka jira Puntland.

Waftigan ayaa waxay joogi doonaan muddo labo maalmood ah waxa ayna kulamo la qaadan doonaan wasaaradaha Caddaaladda iyo Qorshaynta, wasaaradahaas oo kala hadli doonaan xoojinta hannaanka garsoorka iyo caddaaladda iyo dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee hay’adaha qaramada midoobey ay ka wadaan Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online