Minhaaj-Galdogob oo booqasho dacwo ku tagtay magaalada Bursaalax.[Masawiro]

April 18, 2016 - Written by Editor

12990939_1130868090303237_7834040563490049049_nGaldogob:-Booqashada oo qaadatay 3 bari ayaa maamulka Mu’assasada iyo qaybo ka mid ah hawlwadeenadeedu ku tageen magaalada Bursaalax oo ka mid ah magaalooyinka sanadahaan danbe sida xawliga ah u korayey kana gudbay heer lagu tilmaamo tuulo, waxayna hadda leedahay dhamaan adeega magaalo leedahay islamarkaana baaxadeeduna aad bay u balaaran tahay.

Booqashadaas oo bilaabatay galabnimadii khamiista 14/4/2016 ayaa waxaa qabsoomay hawlo dacwo oo ay ugu muhiimsanaayeen:-

1) Shirar is dabajoog ah oo lagu lafa gurayey sidii loo hormarin lahaa habsami usocodka dacwada, sidoo kalena looga gudbi lahaa caqabadaha haysta, islamarkaana loo heli lahaa habab cusub oo lagu hormariyo faafinta diinta islaamka.

2) Kulamo balaaran oo isugu jiray wacdi iyo wacyigalin ayaa u qabsoomay habkii loogu talo galay. Sida: kalmado masjid jaamaca magaalada lagu qabanayey, khudbo jimce, dacwo shaaric, muxaadaro caam ah oo dumarka ah iyo kuwa kaleba.

3) Booqasho dacwadeed iyo kormeer loo samaynayey bahda waxbarashada sida dugsiga sare, machadka sharciga ah, iyo qaybo kamid ah iskuulada hoose dhexe.

Magaalada oo ka mid ah meelaha dacwo ahaan hoos taga Minhaaj-Galdogob ayaa dhawaan la qorshaynayaa in laga furo xafiis ay leedahay Mu,assasadu oo si joogto ah uga hawl gala sababtoo ah way ka balaaratay in kormeer kaliya dacwadeeda mu’assasadu wax uga qabato.

Mu’ssaadda Minhaaj
Galdogob, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online