Muxaadaradii Dr.Axmed Jaamac xalay ka jeediyey Nadwo ka socotay Masjidka Al-rowda ee Boosaaso.[Daawo]

April 17, 2016 - Written by Editor

vlcsnap-2016-04-16-21h00m10s090Boosaaso:-Waxaa habeenkii saddexaad si toos ah uga socda magaalada bosaso ee xarunta gobolka bari gaar ahaan masjidka alrowda nadwadii sanadlaha ahayd oo culimo waaweyn ay ka jeedinayaan muxaadaraad ,cinwaanka muxaadarada xalay “dhibaatooyinka carrabka” waxaana soo jeedinay Sh.Dr.Axmed Jaamac Ismaaciil Mire. Sheekha ayaa inta uusan muxaadaradiisa guda galin si kooban uga hadlay nimcooyinka ilaahay kugalladay umadda taasoo ubaahan in alle loogu shukriyo , intaas kadib ayaa sheekhu guda galay muxaadaradiisa isaga oo sheegay in carrabku uu yahay seef lab oaf leh taasoo lagu kasban karo kheyr fara badan sidoo kale lagu kasban karo shar aad ufara badan, hadaba waxaa la doonayaa in qofka muslimka ahi uu lasocdo carrabkiisa iyo waxa uu ku hadlayo ayuu yiri sheekhu.

Carabku waa xubin aad uyar oo khatartiisa wata una baahan in la iska ilaaliyo,dhibaatooyinka carrabku soo jiido aad ayay ufarabadanyihiin waxaanka ka mid ah xanta taas oo umada aad ugu badan macneheeduna waxa weeyaan “ inaad walaalkaa ku tilmaanto wax aanu raali ka ah”. Xantu waa ay ku fududahay in lagu dhaco lkn markii laga eego waxa ay shareecadu ka tiri wax sahlan ma ahan, waxana ay leedahay ciqaab adduun iyo mid aakhiro, sida uu noo sheegay Nebigu scw. Sheekhu waxa uu sheegay inay waajib ku tahay qofka muslimka ah inuu walaalkiis ka difaaco cidii xamanaysa oo uu ilaaliyo sharafkiisa arrintaasina uu ku helayo ajar aad uwayn .

Xantu haddii ay sidaas u dhib badantahay haddaba side la isaga dayn karaa?  Waxyaalaha kuugu kaalmaynaya inaad xanta iska dayso waxaa kamida inaad xasuusatid Alle ciqaabkiisa, sidoo kale inuu qofku toobad keeno oo alle u noqdo, qofkii uu xantayna uu ka dalbado cafis. Waxaa kale oo kamida dhibaatooyinka carrabka isku dirka umadda iyo in la iska hor keeno , arrintaas oo ay ka dhalato ciqaabo sida in qofka ku dhaca dambigaas qabriga lagu cadaabo.

Isku dirka umadda waxaa ka dhasha dhibtaatooyin fara badan oo ay kamid tahay in umaddu is nacdo oo kala fogaato. Waxaa xalay Qaybta Danbe ee Su’aalaha ka jawaabay Culimada Kala ah:-

1.Sh.Daahir Aw Cabdi Aw Yuusuf

2. Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed

3. Sh.Maxamuud Xaliilke
Hoos ka Daawo muxaadaradii Nadwadii 14aad Ee Bosaso uu jeediyey Sh Dr Axmed Jaamac Ismacil

Hoos ka Daawo su’aalihii culimada ay ka jawaabeen nadwo diini ah oo habeenkii 3aad ka socotay
Masjidka Al-rowda ee Boosaaso

Mu’assadda Al-minihaaj
Boosaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online