Qodobo laga soo saaray shirkii Golaha Wasiirada Puntland

April 14, 2016 - Written by Editor

IMG_6067-740x493Garoowe:-Shirka Golaha Xukuumada Puntland oo uu shir guddoominayey Madoxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa maanta looga hadlay arrimaha Amaanka, Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, U-diyaar-garowga shirka dastuurka 10ka’May, Marti-gelinta iyo qaban-qaabada doorashooyinka, Xaaladda Abaaraha iyo War-bxino.

Xaalada Amaanka:
Golaha Xukuumada Dowladda Puntland waxay maanta ka doodeen amniga dalka iyo Dagaalka Dowladu ay kula jirto argagaxisada, sidoo kale waxay goluhu sheegeen in ciidanka Puntland ay si dhaw ulla socdaan dhaq-dhaqaaqa argagaxisadu ka wadaan koonfurta Mudug iyo gobalka Galgaduud ee Galmudug, isla markaana ciidanka Badda Puntland waxay indhaha ku hayaan deegaan xeebeedka hoostaga degmada Jariiban si looga hortago fal kasta oo ay argagaxisadu isku dayaan inay ka sameeyaan aagaas.

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho:

Golaha Xukuumada Puntland waxay cadeeyeen in shirkii madasha wada-tashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho uu soo celiyey kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ee cabsida ka qabay mudo kororsi inay sameyso Dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana qodobadii kasoo baxay waxaa la waafajiyey heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee Garoowe 3 April ay ku kala saxiixdeen.

U-diyaar-garowga Shirweynaha Dib u eegista Dastuurka 10 May:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland waxay ka hadleen sidii shacabka Puntland iyo Dowladoodu ugu diyaar garoobi lahaayeen shir-weynaha dib u eegista dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qabsoomaya 10 bisha May caasimada Puntland ee Garowe, si loogu helo ummadda Soomaaliyeed dastuur u qalma oo tilmaamaya Mabaadii’ada hanaanka Federaalka iyo kala sarraynta awoodaha oo dhan, sidoo kale goluhu waxay sheegeen in Dowladda Puntland ay waligeed ku taagneyd ilaalinta dastuur lawada leeyahay iyo in Soomaaliya loo sameeyo shuruuc saxan.

Marti-gelinta iyo Qaban-qaabada Doorashooyinka:

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in shacabka Puntland ay u diyaar garoobaan doorashooyinka Baarlamaanka Qaran iyo sidii loo keeni lahaa xubno Baarlamaan oo leh metelaad iyo isla-xisaabtan dhab ah, si looga fogaado Baarlamaan xamar fadhiid ku ah oo aan u hadli karin dadka iyo dalka midna taas oo shacabka Puntland uu in muddo ah diidanaa.

Xaaladda Abaaraha:

Goluhu waxay mar kale ku celiyeen in Abaaraha ka jira Puntland ay meel adag marayaan sidaa awgeedna loo baahan yahay in shacabka Puntland iyo hay’addaha samafalku sii laba jibaaraan gurmadkoodii ku aadanaa xaalada abaaraha.

Ugu danbeyntii:

Goluhu waxay warbixino ka dhageysteen Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo dhamaantood ka warbixiyey howlo ay soo qabteen, sidoo kale Wasaaradda Warfaafintu waxay Golaha hor keentay xeerka khidmadaha isgaarsiinta, Warbaahinta iyo Boosatada ee Puntland

Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland

 

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online