Ra’iisul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyey shirweynihii dalalka Islaamka ee Istanbul.[Masawiro]

April 17, 2016 - Written by Editor

IMG-20160414-WA0019-640x477Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirweynihii dalalka Islaamka oo looga hadlayay kala qeyb sanaanta ka dhex jirta dunnida Islaamka, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee sida xun u adeegsanaya magaca Islaamka. waxana kulankan martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Tayyib Erdogan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Turkiga ee marti gelisay shirkan dalalka Islaamka, wuxuuna ka waramay hormarrada ay ku talaabsatay Dawladda Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

R.Wasaaraha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in caalamka islaamku isku tiirsanaado, isagoo sidoo kale ka hadlay dhibaatada Argagixisada iyo sida loogu baahan yahay in wadajir loo wajaho, waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba dalalka Islaamka dhibaatada heysata uu ka dulqaado.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dalalka Islaamka ee kasoo qeyb-galay shirka, waxana ay ka wada hadleen waxyaabihii ugu danbeeyey arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka dalalka Islaamka kala dhexeeya Soomaaliya.

—–DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online