Ra’iisul Wasaare Cumar oo la hadlay Ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe.[Masawiro]

April 6, 2016 - Written by Editor

cumar1-740x493Garowe, April 6, 2016—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi rashid Cali Sharmaarke, ayaa la kulmay Ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe, waxana kulanka ku weheliyey Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawlada Federaalka iyo Puntland, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda.

Ugu horeyn maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Garowe Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xarunta Jaamacadda, iyadoo uu in sheegay Jaamacaddu ay kamid tahay kuwooda ugu faca-weyn Soomaaliya isla markaana ay ka soo baxeen aqoon yahano iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh dalka.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa khudbad ka jeediyey hoolka ay Ardaydaasi kusoo diyaariyeen maamulka Jaamacadda Bariga Afrika, waxaana uu faah faahin ka bixiyey isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira Dalkeenna, gaar ahaan xiligan kala guurka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hada gashay isbdedel baaxad leh islamarkaana quseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay leedahay Waxbarashadu,wuxuuna xusay in aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay. Isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacadda Bariga Afrika ku booriyay in ay ka dhabeeyaan Hanka ay ku doonayaan inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.
Ra’iisul Wasaaraha oo Ardeyda la hadlayey ayaa yiri: “Soomaaliya waxey xiligan gashay isbedel, waxaan galnay xili dalkeenu u diyaar garoobayo doorashooyin, shacbiga Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u yihiin iney wax wada qabsadaan taasi oo horseedaysa isbedellada aan dooneyno sida doorashooyinka dhowaan dhaci doona.”

“Dawladdu waxey ahmiyad siineysaa sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursadda ay leeyihiin oo la xiriirta hormarka,dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya waayo waxaad la socotaan in Xukuumadda aan hoggaamiyo u badan tahay dhalinyaro. Waxaa kale oo kaalin mugleh uga jira haweenka Soomaaliyeed. Dawladdu waxay fursad siinaysaa Ardayda aqoonyahannada ah ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka, waana qeyb ka mid ah isbedellada hormarineed oo aynu dooneyno inaan dalka ka hirgelino” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaruhu uu jeediyey kadib ayaa Ardayda Jaamacaddu waxey bilaabeen iney su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aallaha la weydiiyey ka mid ahaa sida ay doonayaan iney u wajahaan marxaladdaha uu dalku ku jiro, gaar ahaan doorashooyinka iyo sida looga gaashaaman lahaa dhibaatooyin ay keento amni darro oo ka dhaca dalka maadaama ay Soomaaliya weli argigixisadu saameyn ku leedahay. Ugu danbeyn, Maamulka Jaamacadda ayaa Shahaado Sharaf guddoon siiyey Ra’iisul Wasaaraha.

—-DHAMMAAD—

Ahmed-nur Mohamed
Prime Minister’s Media Office
Garowe, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online