Raisulwasaaraha DFS oo hambalyo u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti

April 9, 2016 - Written by Editor

sharmakeRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday shalay.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Xukuumadda iyo ka shacbiga Soomaaliyeed , waxaan Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee Djibouti kuugu hambalyaynayaa guushii iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Djibouti ay kugu siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

“Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Djibouti.

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online