Roobabka Gu’ga oo ka curtay Deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn.[Daawo]

April 11, 2016 - Written by Editor

images (3)Laascaanood:-Guud ahaan dhulka Soomaalida intiisa badan oo bilihii u danbeeyey la ildarnaa abaaro aad u xooggan oo degaanada qaar ah sidda Gobalka Awdal oo sababtay dhimashada tiro dad ah, ayaa iminka laga dareemayaa curashada roobka gu’ga oo ay mudo dheer si aad ah u sugayeen dad weynaha Soomaaliyeed.

Degaanada sidda aadka looga dareemaayo xili roobaadkan waxaa ka mid inta badan degaanada Sool ,Sanaag , Cayn , Togdheer , iyo kuwo kale oo badan , wararka ka imaaanaya Goballada Sanaag, Bari iyo Gardafuu ayaa sheegaaya inay roobab wanaagsan heleen degaano ka tirsan Goballadaas oo ka mid ahaa degaanada ugu liitay xagga abaarta.

Degaanada roobka lagu diirsaday ka da’ay waxaa ka mid ah degaamo hoostaga degmooyinka Laascaanood , Widh WIdh , Ballihadhac , Buuhoodle , Hargeisa , Burco , Boorame , Baargaal, Carmo iyo Xingalool kuow kale oo badan , iyadoo dadka degaamadaas ay Alle uga mahad naqeen abaartii banayd ee uu ka dul qaaday.

Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u danbeeyey samaynaayey isu soo baxyo ay Alle kuwey-diisanayaan inuu ka dulqaado abaaraha iyo roob la’aanta haysata.

Hoos ka Daawo Roobabka Guga oo ka Curtay Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online