Tababar u socday Ducaada Galgaduud oo Garoowe lagu soo gabagabeeyey (Masawiro)

April 10, 2016 - Written by Editor

11Garoowe:-Waxaa magaalada garowe lagu soo gabagabeeyay tababar u socday qaar ka mid ah ducaadda, Macalimiinta ,maamulayaasha macaahida iyo dugsiyada, imaamyada,khadiibyada waqooyiga galgaduud, ducaadda oo ka socotay degmooyinka cabudwaaq iyo balanbale iyo deegaamada hoos yimaada labadaa degmo ayaa waxaa uu u furmay siminaarka maalintii axadda ee bisha ay ahayd 03/04/2016 waxaana uu soo gabagaboobay 07/04/2016.

Tababarka ducaada oo lagu baxshay mowaadiic muhim ah oo kala ahaa, dacwada, maamulka, hogaanka, iclaamka, tacliimta, manhajka, ayaa waxaa duruus ka bixiyay culimo waawayn iyo aqoonyahan kale, waxaana duruusta ka bixiyay, sheikh c/naasir xaaji axmed, sheikh maxamuud xaaji yuusuf, sheikh axmed cabdisamad, sheikh cabdiqani qorane, diktoor sulub, ustaad cabdifataax cajab, sheikh mukhtaar axmed faarax, ustaad axmed ciise, sheikh muxamed mucalim

Waxaa kale oo ay nasiib u heleen ducaadii tababarka qaadanaysay in ay soo booqdaan culimo waawayn oo uu ka mid ahaa sheikh daahir aw cabdi, sheikh axmed daahir, sheikh yusuf cabdicaziz, sheikh muxamed cabdullahi oo ah gudoomiyaha mu,asasada al minhaaj, iyo culimo kale oo dardaaran iyo talooyinba u jeediyay intii tababarka uu soconaayay.
Waxaa kaloo u suurtagashay mudadadii tababarka socday in culimada iyo ducaada ka yimid waqooyiga galgaduud ay booqdaan xarumaha dacwada iyo waxbarshada sida jaamacadda bariga afrika ee garowe, dugsiga sare ee alwaaxa, machadka tababarka macalimiinta ee garowe, machadka culuumta sharciga ah ee khadiija bintu khuwaylid, iyo meelo kale, waxaa martiqaadyo gooni gooni ah u sameeyay culimada intii ay ku sugnaayen garowe culimada reer garowe iy mu,asasada al minhaaj oo u sameesay xaflad casho ah oo balaarneed ahaydna sagootin, taa oo ay ka soo qaybgaleen mas,uuliyiinta al minhaaj oo uu ka mid yahay sheikh dalmar guureeye oo ah gudoomiyaha shuurada al minhaaj ee gobolka nugaal.

Tababarka oo ay soo qabanqaabisay mu,asasada ALRAXMA ee ka hawl gasha degmooyinkaa cabudwaaq iyo balanbale ayaa waxay caawinaad ka heshay mu,asasada AL MINHAAJ, waxaa la rajaynayaa ducaadaa tababarka qaadatay in wax wayn ay ka bedeli doonaan insha allah maraakizta dacwada, tacliimta, idaacada, masaajida ah ay maamulaan ayadoo la filaaya in ay ku dabaqi doonaan aqoontii ay kororsadeen.

MU,ASASADA ALRAXMA
MUQDISHO

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online