Tv-ga Skynews oo warbixin ka diyaariyey dagaalka u dhexeeya ciidanka Puntland Al-shabaab/Daacish [Video]

April 29, 2016 - Written by Editor

skynewsBoosaaso:-Ciidamadda Difaaca dowladda Puntland (PDF) ayaa la wareegay hoy uu deganaa Cabduqaadir Muumin sidda uu sheegay wariye Alex Crawford oo u shaqeeya Sky News oo dhawaan socdaal ku tegay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. C/qaadir Muumiin ayaa horay u ahaa hogaamiye ka tirsanaa Al-shabaab balse markii danbe shaaciyey in uu ku biiray Ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Iraq iyo Syria uuna hogaamiyo Abubakar Baqdaadi oo sheegtay in uu yahay amiirka Muslimiinta.

Wariye ka tirsan Tv-ga Sky News oo lagu magacaabo Alex Crawford oo raacay Ciidanka dowladda Puntland ee ka howl gala Aag Galgala ayaa xusay in Ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Al-shabaab iyo Ururka Daacish aysan wax taakulo ah aysan ka helin beesha caalamka. Maalmo ka hor ayaa Kooxda isku sheegatay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish waxaa ay baraha internetka ay ku faafiyeen Muuqaal ay ku sheegeen in ay tababar ugu soo xireen ciidamadood ku sugan gudaha dalka Soomaaliya walow aysan magacaabin goobta.

Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Sicid Dheere oo waraysi gaar ah siiyey  wariye wariye Alex Crawford waxaa uu u heegau in ciidankoodu ay in mudo ah dagaal kula jireen ururka Al-shabaab ayna wax taakulo ah ka helin cidna. Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid dheere ayaa xusay in haddii aan tababaro iyo saanad ciidan aan lagu taageerin ciidanka Puntand ay dhici karto in dhibaatada ay u soo wareegto Puntland ka dibna ay ku sii fido dalalka dariska la ah.

Muuqaalka ay baahiyeen ayaa waxaa ka soo dhex muuqday dhalinyaro la tababarayo watana calanka lagu yaqaan kooxda Daacish si ay u soo jiitaan dhalinyarada uguna soo biiraan koox dooda, dhalinyarada tababarka qaadanaya ayaa waxaa ay u muuqdaan dhalinyaro hadda loo carbinayo ka mid noqoshada kooxda Daacish.

Dhinac kale warbaahinta dalka Ingriiska ayaa maalmihi la soo dhaafay waxaa ay aad u qaadaa dhigaysay kooxda Daacish ee saldhigyada ka samay sanaysa gudaha Soomaaliya waxaan ay sheegeen in laga cabsi qabo in dhalinyaro badan ay ku biiraan.

Hoos ka Daawo warbixinta uu wariye Alex Crawford oo ah wariye ka tirsan Tv-ga Sky News

Sidoo kale waxaa jira koox xirfadlayaan dhinac IT-ga oo maalmihii la soo dhaafay diyaariyey warbixin ku saabsan halka ay saldhigyada dhinac Media ah gaar ahaan Baraha bulshada ee kooxda Daacish saldhigoodu yahay waxaan ay ku sheegeen dalka Ingriiska waa sidda ay ku xuseen warbixintooda.

Hoos ka daawo warbixinta uu Tv-ga RT ka soo diyaariyey arintaan

Source: Tv-ga Sky News

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online