Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shirjaraa,id ku qabtay Garoowe.[Dhageyso]

April 12, 2016 - Written by Editor

QarjabGaroowe:-Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana uu soo bandhigay qaabka loo sugayo amaanka deegaanada Puntland ka dib dagaaladii sida xun loogu jabiyey kooxda Al-Shabaab ee ka soo degay xeebaha Mudug iyo Nugaal.

Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in qofwalba oo ku nool ama soo galaya Puntland in waajib tahay in uu qaato dukumtiga ama kaar aqoonsi isla markaasna uu helo qof damiinta.

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale ka hadlay kireynta Hotelada iyo guryaha wuxuuna sheegay in ay soo marayaan xafiis loo samaynayo xarunta xaafada, si loo hubiyo cida degayso guryaha iyo Hotelada.

Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale ka hadlay dadweynaha iyo gawaarida isaga goosheysa deegaanada Puntland wuxuu sheegay in waaran uu ku qaadayo rakaabka kuna dajinayo la siin doono darawalada aysana dhici doonin gaari dad iska qaada meeshuu rabana ku dajiya.

Dadweynaha ku dhaqan reer Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyey sharciyada cusub ee lagu sugayo amaanka deegaamada Puntland.

Hoos ka dhageyso Wasiirka Wasaardda Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo shirjaraaid ku qabtay Garoowe.

Halkaan ka Dhagayso

M_M Deeq
Halgan.net
Garowe

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online