Waxgaradka reer Galdogob oo horistaagay dhalinyaro abaabulan oo ka caraysnaa qaraxii Gaalkacyo

April 2, 2016 - Written by Editor

20160402_175341Galdogob:-Waxgaradka reer Galdogob ee Gobolka Mudug oo isku duuban ayaa horistaagay isku day kacdoon oo ay abaabuleen dadka caraysan qarixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Waxgaradka reer Galdogob oo aad uga xumaaday qarixii halaaga ahaa ee dhawaan ka dhacay Gaalkacyo, dadka deegaanadaan wax ku ool ka ahaana ku dhinteen, haddana marna ma aqbali karno in lagu xadgudbo dad soomaaliyeed oo walaaleheen ah, dalkana aanan anagu ka xigin, mida lagu dhibaataynayaana ay tahay deegaan hebel bay ka soo jeedaan.

Waxgaradka reer Galdogob ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay isku doon saaran yihiin, dhibaataduna waa wada haysaa, qabiil gaar ah ama deegaan gaar ah dad ka soo jeedana laguma eedayn karo dhibaatadaas. Magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa shalay dhalinyaro ka xun qaraxii ka dhacay Gaalkacyo oo caraysan waxaa ay dhaawaceen nin magaalada ariga u raaci jiray, isla galab nimadiina dhalin yaro is abaabushay ayaa magaalada ka naadiyeen in dadka reer Koonfurka ah magaalada Galdogob isaga baxaan.

intaa ka dib waxgaradka magaalada sida maamulka Gobolka , Issimada, Culuma’audiinka, nabadoonada beelaha iyo ganacsatuba waxay u istaageen siddii kacdoonkaas loo damin lahaa, talaabooyinka ilaa hadda la qaadayna waxaa ka mid ah:-

1) Wacyi galin iyo caqli celin iyo wacdi culamadu ka jeediyeen masaajidda salaadii makhrib ka dib.

2) Is hortaag lagu sameeyey dhalinyaro dhagaxtuur iyo rabsho ka sameeyey suuqa fiidnimadii xalay, markii loo caqli celiyey si nabad ah ayey ku kala tageen.

3) Aroornimadii hore oo saakay ayaa shir degdeg ah la isugu yimid xarunta Minhaaj oo lagu gorfeeyey qaabkii kacdoonkaas loo damin lahaa, shirkaas oo ay isugu yimaadeen gudoomiyaha degmada, kan guurtiga, hormuudka hay’adda culumada, maamulka mu’assasada Minhaaj, iyo qaybo ka mid ah aqoonyahanka, ganacsatada, nabadoonada, iyo weliba bahda saxaafada waxaan shirkaas lagu go’aamiyey In warbaahinta bulshada laga wacyigaliyo, iyo in shirka la balaariyo.

Waxaa kale oo shirka yimid gudiyada hormuudka u ah walaaleheena ka soo jeeda gobalada Koofureed, markii cabashadoodi la dhagaystana waxaa loo sheegay inaysan cidna ka biqin dalkana aan nina ka xigin, rabshadaasna loo fadhiyo daminteeda.

4) Galabta ayaa la isugu yimid shir aad u balaaran ilaa 50 qof oo waxgaradka magaaladu isugu yimaadeen, gorfayn ka dibna waxaa si wada jir ah loo qaatay in dhalinyaradaas deg deg wax looga qabto isla goobtii ayaana laga diray dadkii wax ka qaban lahaa, shirkuna halkiisa ka sii socdo.

Mu’assadda Al-minhaaj
Galdogob ,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online