Xarunta Daryeelka ee Laascaanood Manhal Mental oo dib u habeyn lagu sameeyey.‏[Masawiro]

April 5, 2016 - Written by Editor

2Laascaanood:-Dadka qaba xanuunka loo yaqaan dhimirka ama waalida ayaa la sheegayaa in sanadihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayeen gudaha Soomaaliya, sababta keentey kor u kicidda cudurka dhimirka ayaa loo badinayaa, dhaqaale xumada dalka ka jirta, shaqo la’aanta, mukhaadaraadka iyo dowlad la’aanta Soomaaliya ku habsatey muddada dheer.

Haddaba waxaa magaalada Laascaanood bilooyinkii ugu danbeeyey si rasmi ah uga shaqaynayey xarunta daryeelka dadka qaba xanuunka dhimirka ee Laascaanod Manhal Mental oo ay maamulaan Ururka Xirfadlayaasha caafimaadka oo ka howl gala cusbitaalka Manhal ee Laascaanod iyo xarunta Buuhoodle Centre .

Xaruntaan oo ay si wayn u soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa lagu soo xareeyey dad badan oo qaba xanuunka Dhimirka iyadoo uu Ururka Xirfadlayaasha HPA uu maalgeliyey xaruntaan uuna ku sameeyey dib u habayn ballaadhan dhanka ballaadhinta Xarunta , Daryeelka , Daawaynta iyo wacyi gleinta  , waxaa dhismaha uu hadda ay ku shaqayso xaruntu lagu soo kordhiyey afar qol .

Gudoomiyaha Cusbitaalka Manhal ee Laascaanood Dr.Maxamedd Ismaill Shiine ayaa ahaa maskaxdii ka danbaysay in ay shaqayso xarunta dhimirka Lasanod Manhal Mental . Xarunta daryeelka dadka uu ku dhacay dhimirka ee Manhal Mental ayaa waxaa haatan ku jira ilaa 40 Qof oo dadka xanuunan dhimirka qaba waxaa dhawrkii bilood ee ay furnayd xarunytani Toboneeyo qof ayaa lagu daaweeyey xaruntani.

Mar aanu booqanay Xaruntan ayaa waxaa waxaa inooga warbixiyey Maamulaha xaruntan Dr Nuuradiin Yuusuf Maxmed :’Waxaa la furay Xaruntani sanadkii hore 20/012/2015 , Xilligaa oo haysan wax dhaqaale ah oo xaruntan lagu maamulo laakiin  , waxaa maal geliyay Sanduuqa horumarinta oo ay maamulaan Ururka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Loo yaqaano HPA, waxaa naloo keenay dad xauunsan oo aad u fara badan , waxaanu ku guulayanay inaanu daryeel u samayno dad badan la liita xanuunka dhimirka’ ayuu yidhi Dr Nuuradiin Yuusuf X Maxamed .

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood.Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online