Xasan Xanafi Xaaji oo saaka lagu toogtay Fagaaraha School Polizio

April 11, 2016 - Written by Editor

xanafi1Muqdisho:-Waxaa saaka lagu toogtay magaalada Muqdsho Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo lagu eedeeyey in uu shirqool ku dilay wariyaal badan oo ka howlgali jiray magaalada Muqdisho waxaana lagu toogtay Fagaaraha School Polizio ee Degmada Xamar-jajab.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada DFS  ayaa ku Fuliyay Xasan Xanafi Xaaji C/salaan dil toogasho ah ka dib markii ay maxkamada ciidanka DFS ay ku xukuntay dil toogasho ah,

Xasan Xanafi ayaa lagu ku Eedeeyey inuu ka dambeeyay dilka wariyaasha kala ah Sheekh Nuur Maxmed Abkey, Tifaftirahii Wakaaladda SONNA, Saciid Tahliil Warsame Agaasimihii Horn afrik, Mukhtaar Maxamed Hiraabe Agaasimihii Idaacadda Shabeelle iyo wariyaal kale oo ka howlgala magaalada .wuxuuna ,ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab ee dhaqanka ka dhigatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa wili xabsida magaalada Muqdisho ku jira saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo hogaaminayey dagaalo dhiig badan ku daateen hanti badana ku burburtay balse su,aashu waxay tahay madaxya weynta ku jira filooyinka iyo xabsida Muqdisho ma la marsiin doonaa cadaalada ?

Qaar ka mid ah Wariyaasha ka howlgala  Muqdisho iyo ehelada wariyaasha lagu dilay Muqdisho ayaa goobjoog ka ahaa dilka Xasan Xanafi kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyey,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online