Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS oo caawa la weeraray

April 26, 2016 - Written by Editor

Muqdisho-iyo-MidnimoMuqdisho:-Xildhibaan  ka tirsan Baarlamaanka DFS ayaa caawa waxaa lagu weeraray hoygiisa oo ku yaal  Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaana xildhibaanka gurigiisa ku weeraray rag hubaysan oo wata Labo Mooto.

Xildhibaanka la weeraray ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow  waxaana gurigiisa lagu Tuuray Bam Gacmeed taas oo dhaawac fudud gaarsiisay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaana uu xaqiijiyey weerarka lagu qaaday guriga  Xildhilbaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow .

C/fitaax Cumar Xalane  Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow uu bad qabo waxna aysan gaarin. Ciidamo ka tirsan DFS ayaa goobta soo gaaray waxayna howlgalo ka bilaabeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online