Banaanbax looga soo horjeedo sara u kaca sarifka doolarka oo ka dhacay B/weyne

May 11, 2016 - Written by Editor

banaanbaxHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in banaanbax looga soo horjeedo sarakaca ku yimid sarifka doolarka ayaa waxaa uu ka dhacay  magaalada Bweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Banaan-baxayaasha ayaa hakad geliyey ganacsiga magaalada B/weyne waxaana xirmay isku  socodka wadooyinka  waaweyn ee magaalada B/weyne waxaana ay dadweynaha aad uga cabanayeen  sarifka doolarka oo kacay, iyo hoos dhac ku yimid qiimaha lacagta shilin Soomaaliga.

Sarifka doolar ayaa wuxuu ka marayaa  magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan 3,300,00 oo shilin Soomaali ah waana meesha ugu sareysay  waxaana 100 doolar lagu sarifi jiray 2,200,00 0 oo shilin Soomaali ah.

Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Ibrahim ayaa waxaa uu sheegay in lacago badan oo shilin Soomaali ah ay soo galeen magaalada B/weyne taasna ay sabab u noqotay in sarifka uu saro u kaco,

Inta badan magaalooyinka Waaweyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ka jira sicir barar baahsan waxaana suuqyada magaalada buuxdhaafshay lacago faalis ah taas oo sababtay in ganacsatada yaryar ay xiraan ganacsigooda .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online