Ciidanka DFS oo Dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalka Shabellaha Dhexe

May 2, 2016 - Written by Editor

1Ciidanka DFS ayaa waxaa uu dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaa deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ka dib dagaal culus oo dhexmaray ciidanka DFS iyo kuwa Al-Shabaab maalintii axada kaas oo dhaliyey khasaao leh dhimasho iyo dhaawac. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamed Aadan Axmed iyo Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar. ayaa horkacaya ciidamada DFS ee dhaqdhaqaaqa ka hor wada gobalka Shabellaha Dhexe.

General Maxamed Aadan Axmed iyo Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa fagaaro kula hadlay shacabka ku dhaqan Degmada Cadale iyaga oo sheegay in ay si dhab ah ula dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku heysa shacabka Soomaaliyeed .

Ciidanka Al-Shabaab ayaa duulaan ay aroornimadii shalay ku qaadeen deegaanka Ruun-nirgood waxay ku dileen qaar ka mid ah askarta DFS kuwaas la sheegay in ay gaarayeen 8 askari sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidamada dowladda Maxamed Maxamuud Saney.

Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidamada dowladda Maxamed Maxamuud Saney ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka AMISOM aysan u soo gurman ciidanka DFS ee lagu laayey deeganka Ruun-nirgood.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa ku faantay in ciidanka DFS ay ka dileen ilaa soddomeeyo qaar kalana ay dhaawaceen .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online