Dagaal ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne

May 17, 2016 - Written by Editor

dagaal-galkacayoHiiraan:-Waxaa saaka ka qarxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ka dib markii maleeshiyo hubaysan oo gaari wata  ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Toora -Boora ee xaafadda Howl-wadaag ayna ku dhinteen ilaa labo qof.

Dagaalka u dhexeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo ka dhacay  xaafadda Howl-wadaag ayaa waxaa ay isku adeegsadeen hubka waaweyn lamana yaqaan ilaa hadda khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in labada maleeshiyo Beeleed ee diriray ay ka soo kala jeedaan Beelaha Gaaljecel iyo Jajeelle dagaalkooduna uu salka ku hayo aano qabiil walow odayaasha samaha ka taliya ay dhowr jeer kala dhex galeen , Nabadoonada iyo waxgaradka Beledweyne ayaa ku mashquulsan joojinta colaada.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online