DFS oo Tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka dowlada Masar (Warsaxaafadeed)

May 20, 2016 - Written by Editor

logo-somaliaXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Masar iyo dhammaan ehellada dhibanayaasha iyo qoysaska tiiraanyeysan ee kala dhalashada duwan ee ku waayay dadkii ay jeclaayeen burburkii diyaaradda Masar duulimaadka number-kiisu ahaa 804 ( EgyptAir flight MS804) , taasoo burburtay waaga hore shalay oo Khamiis aheyd.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay uga murageysan tahay dhacdada ay ku burburtay diyaaradda rakaabka ah ee Masar ,taasoo la waayay xilli ay dul-heehaabeysay Badda dhexe ee cad (The Mediterranean Sea) socdaalkeeda Magaalada Paris ee ku jiheysnaa Magaalada Cairo , waxaana saarnaa rakaab dhan 66 ruux .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku baaqeysaa laga maar-maanshaha in la dardar geliyo dadaalada caalamiga si loo qaado dhammaan tallaabooyinka laga maar-maanka ah ee baaritaanka iyo dabagalka si loo cadeeyo sababaha keenay burburka diyaaradda.

———– Dhamaaad——-

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online