Duqa degmada Gaalkacyo oo laga waraystay dilkii Ganacsade Cumar Dheere[Dhagayso]

May 7, 2016 - Written by Editor

cumar_dheerGaalkacyo:- Duqa degmada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay dilka loo gaystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ganacsatada gobolka Mudug islamarkanaa ahaa maareeyaha shirkadda Somtel Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere), wuxuuna sheegay in falkaasi fuliyay ruux dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bastoolad. Cabdicasiis Jaamac Nugal oo caawa la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in qofkii dilka gaystay u baxsaday dhinac Koonfurta magalada islamarkaana aan wali la aqoonsan haybtiisa iyo cidda uu ka tirsanyahay. Nugal, wuxuu intaasi ku daray inay socdaan baaritaan islamarkaana lagu raad joogo ruuxa dilka gaystay.

“Allaha u naxariisto Cumar Maxamed Cabdille, galabta salaaddi maqrib kadib ayaa waxaa dishay gacan ka xaq daran xilli uu masaajidka kasoo baxay, waxaan runtii aad uga xumay falkaas oo aan runtii uga tacsiyaynayo qoyskiisa iyo ehelkii uu ka baxay… Dilka waxaa naloo ku sheegay inuu gaystay nin dhalinyaro ah watay bastoolad, afaafka hore masjidka ayuu ka dhacay, waxaana nala ku yiri dhinaca Koonfurta magalada ayuu u baxsaday,” Ayuu yiri duqa degmada Galkacyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in amniga magalada uu yahay mid aad u wanaagsan, balse aan la kantarooli karin dilalka caynkan ah, maadama magaaladu tahay meel labo maamul ka jirto. Waxa uu kamid ah dadkii ugu soo horbaxay markii salaadda la tukaday sidaan qiyaasayo dad badanna meesha ma joogin, waxaa naloo sheegay inuu u soo dhawaaday ka hor intuusan dilin kadib xabad ku furay, dabadeena cararay . Cumar Dheerana goobta ayuu ku naf-baxay,”Ayuu hadalkiisa ku daray Cabdicasiis Jamac Nugal.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif, ayaa sheegay in dilku u dhacay sida duqa degmada sharraxay, balse wuxuu raaciyay inay baaritaan samayn doonaan warbaahintana dib loogu soo sheegi doono, isagoo tilmaamay in falku kusoo beegmay xilli habeen ah.
Magalada Galkacyo iyo qaybo badan oo Puntland kamid ah ayaa aad looga hadal hayaa caawa dilkan loo gaystay Allaha u naxariistee Cumar Dheere oo caan ka ahaa gobolka Mudug.

Hoos ka Dhagayso Duqa degmada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug

Source: GAROWEONLINE

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online