Eng Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere) oo caawa lagu dilay Gaalkacyo

May 7, 2016 - Written by Editor

cumar_dheerGaalkacyo:-Waxaa Caawa Maqrib-kii lagu dilay alaha u naxariisteenmagaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug  Eng Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere) xili uu ka soo baxay salaadii Maqrib Masaajidka Salaama ee Xaafada Wadajir ee magaalada Gaalkacyo.

Eng Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere) ayaa waxaa uu ka mid ahaa Waxgaradka iyo Ganacsatada ugu waaweyn ee gobalka Mudug, waxaana dilay koox ku hubeysan bistoolado kuwaas oo goobta ka baxsaday dilka ka dib.

Ciidamada amaanka ee gobalka Mudug ayaa soo gaaray goobta wax yar ka dib markii la dilay alaha u naxariisteen Eng Cumar Maxamed Cabdille (Cumar Dheere). Eng Cumar Maxamed Cabdille ( Cumar Dheere) Allaha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa ragga sida weyn looga qadariyo arrimaha gobalka Mudug, iyo Puntland wuxuuna ahaa Gudoomiyihii Ganacsatada, Kuxigeenkii Sanduuqa Horumarinta ee gobalka Mudug, Gudoomiyaha dhismaha Wadada Wadaagsin ee isku xiraysa Goldogob & Garacad.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay dilkiisa balse waxaa loo tuhunsan yahay kooxda Al-Shabaab oo dhaqanka ka dhigtay leynta Haldoorka umada Soomaaliyeed .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online