Golaha Wasiirada oo soo dhoweeyey Xeerkii Madaxweynaha (Masawiro)

May 26, 2016 - Written by Editor

3Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.S Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ka mid yihiin Ammaanka guud ee dalka, Fatahaadda Wabiga Shebelle ee magaalada Beledweyne.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Daa’uud Maxamed, ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee ammaanka guud ee dalka, wuxuna sheegay laamaha amnigu in ay qaadeen tallaabooyin lagu sugayo amniga Caasimadda iyo gobollada dalka, si looga hortago falal argagixiso oo kooxaha nabaddiidku ay sameeyeen bisha barakeysan ee Ramadan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Beeraha ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka xilligaan haysta shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, kuwaasoo ka dhashay fatahaada uu sameeyay wabiga shabeelle qaybta uu ka maro Gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa sheegay xaalad adag in ay ka jirto halkaasi, isagoo xusay wasiiro ka tirsan Xukuumadda in ay gaareen si ay qiimeyn ugu sameeyaan dhibaatada. Isagoo xusay in hay’adaha gar-gaarka ay kala hadleen sidii halkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa tilmaamay in maalinta sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan Imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ee dalka, waxana ay wasaaraddu sheegtay dhammaan daladaha ka jira dalka iyo Wasaaraddu in ay ku mideysan yihiin Imtixaanka. Isla markaana lagu qaban doono inka badan 64 xarumood oo ku kala yaala Caasimadda iyo gobollada dalka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee (Gender), waxaana golaha warbixin ka siisay Wasiirka Haweenka iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar oo sheegtay in sharcigani muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta xuquuqda Haweenka.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo aheyd in xubnaha kala ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Mudane Cabdiwahaab Macallin Maxamed Xaaji Aadan, Cabdi Aadan Diiriye in loo magacaabo safiiro, dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa ansixiyay in loo magacaabo Safiiro buuxa.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ku meel mariyay hannaanka doorashada dadban ee sannadkan 2016 ka dhacaysa dalka.

—-DHAMAAD—
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online