Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee DFS Caydiid ilka Xanaf oo Xilka laga qaaday

May 4, 2016 - Written by Editor

ilka-xanaf2MADAXWEYNAHA J. F. S. MARKUU ARKAY: Qodobbada 4aad iyo 87aad, 116aad, 108aad iyo 139aad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah; MARKUU ARKAY: Qodobbada 5aad, 16aad, 23aad iyo 31aad, ee Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3 ee soo baxday 12 Juunyo 1962; MARKUU ARKAY: Qodobka 21aad ee Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juunyo 1962; si cadna u qeexayo in magacaabid khaas ah lagu magacaabi karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; MARKUU ARKAY: Bedalidii Sharciga Nidaamka Xukuumadda Sharci lambar 14 /1962 ee ku soo baxay Qodobka 7aad ee Sharci lambar 1 ee soo baxay 3 Febaraayo 1965.

MARKUU ARKAY: Xeer Madaxweynaha Lambar 8 ee 11/03/2015, kuna saabsanaa kala dirista Golaha Adeega Garsoorka xilka hayey muddadii ku-meel gaarka si wafaqsaneyn Dastuurka Kumeel gaarka ah, MARKUU ARKAY: Shuruudaha Magacaabista ee ku xusan Qod. 8aad Sharciga Dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ee ku soo baxay faafinta rasmiga 30 Juun 2014, MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiriirta Garsoorka iyo caddaalad darrada baahsan ee ka jirta hay’adaha Garsoorka, ayna lagama maarmaan tahay in wax laga qabto, MARKUU GAROWSADAY: In xilkaasi uusan sharcigu oggoleyn in Qof da’diisu ka badan tahay 65 sano uu hayo.

MARKUU GAROWSADAY: Iney dhammaatay muddadii sharcigu oggolaa in xilalkaa ay hayn karaan Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamaddaha Sare iyo Racfaanka,
MARKUU GAROWSADAY: Inuu sharcigu farayo in shaqada laga fariisiyo, Garsooreyaasha da’doodu dhaafsiisan tahay 65 Sano, maadaama ay iskood uga fariisan waayeen.
MARKUU XAQIIQSADAY: Jiritaanka khaladaad sharci oo xad dhaaf ah, ayna ku sifoobeen ku tumashada sharciga, lagama maarmaana tahay in la saxo.

MARKUU TIXGELIYEY: Cabashada Garsooreyaasha, howl-wadeenada Garsoorka, Xirfadlayaasha sharciga iyo mida dadweynaha, MARKUU TIXGELIYEY: In xil gudashada Maxkamadaha Dalka, looga baahan yahay hawl-karnimo, daacad iyo hufnaan, iyo in xil haynta Garsooreyaasha Sare ay waafaqsan tahay sharciga iyo dhowrista Mabaadi’da Cadaaladda.

MARKUU TIXGELIYEY: In ay lagama maarmaan tahay in xilalka loo magacaabo Garsooreyaal xag da’a iyo aqoon ahaanba u qalma si waafaqsan sharciga, lehna hawl-karnimo wax ku ool ah oo lagu saxo cabashooyinka caddaalad darrada joogtada ah ee ka imaaneysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed;

WUXUU XEERIYEY

Qod. 1aad

1. Laga billaabo taariikhda uu Madaxweynaha Saxiixo Xeerkaan, waxaa laga fariisiyay shaqadii garsoor:

B. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf oo 81 jir ah;

T. Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir Xasan Maxamed Cali oo 73 jir ah;

2. Waxaana loo magacaabay xilka Guddomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan

3 Xilka Bannaan ee Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir, waxaa si ku meel gaar ah u sii haynaya Garsooraha ugu darajada Sareeya oo sharci ahaan xilkaas qaban kara, ilaa laga macaabayo Guddoomiyanimada Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir;

4. Dhaqan gelinta howlgabka sharciga ah ee khuseeya garsoorayaasha gaaray da’da howlgabka sharciga ah waxaa fulinaaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare si waafaqsan shuruucda Dalka u degsan.

Qod. 2aad
Xukuumadda iyo Golaha Shacabka waxaa la faraayaa iney si deg deg ah u dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

Qod. 3aad
Xeerkaan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online