Hay’adda Haro oo raashin qaybin u samaysay dadkii Abaaruhu ku saameeyeen Deegaanka Yucubley ee Gobolka Nugaal.[Masawiro]

May 10, 2016 - Written by Editor

P1030341-300x225Garoowe:-Hay’adda HARO oo ka mid ah kuwa ka howlgala Puntland, ayaa maanta gargaar Raashin ah u qaybisay qoysas gaaraya 100, kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen abaarihii dhacay sannadkan. Mas’uuliyiinta Hay’adda HARO, ayaa sheegay in raashinkan uu qayb ka yahay Gurmadkii Gudiga Abaaraha ay sameeyeen, waxaana haddallo badalay qaybinta raashinka, iyadoo ay ka faa’iiday san doonana kumannaan qoys oo ay abaaruhu ku yeesheen saameyn weyn.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka socday Maamulka Gobalka Nugaal, ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan deeqdan raashinka ah lagu qaybi yey, iyagoo sheegay in looga baahan yahay hay’adaha oo dhan inay muujiyaan doorkooda. Qoysaska maanta la gaarsiiyay Deeqdan Raashinka ah oo ku nool Deegaanka Yucubley, oo ka tirsan gobalka Nugaal, ayaa si weyn uga mahad-celiyay gargaarka raashinka ah ee lasoo gaarsiiyay.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay shacabkii Abaaruhu saametsay yeesheen ay u baahan yihiin raashin qaybin iyo in la sameeyo dhiig-joojin nololeed, maadaama ay gabi ahaan xoolihii ay dhaqanayeen ay ka laysay abaarta.

Ugu dambeyn, Abaarihii dhawaan ku dhuftay qaybo ka mid Somalia, ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay shacabka, iyadoona dad badan oo xoolo-dhaqto ahaa ay magaalada kusoo yaaceen, ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Hay’adda HARO
Garoowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online