Issimo iyo Cuqaal ka kala yimid Gobollada Soomaaliya oo gaaray Qardho.[Video/Masawiro]

May 21, 2016 - Written by Editor

13244098_10205812072373571_4496126195831704107_oQardho:-Waxaa magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ku sii qulqulaya Issimo fara badan oo ka kala imaanaya gobollada Soomaaliya ka dib markii uu Boqor Burhaan Boqor Muuse uu ku baaqay Gogol ay odayaasha dhaqanka Sooaaliyeed ay kaga xaajoonayaan qaabka ugu sahla ee Soomaali loo hishiisiin karo dhibka hadda jirana loo soo afjari karo.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa baaqaan jeediyey maalintii la doortay isagoo xusay in uu gogol u dhigi dono odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay bal uga wada hadlaan siddii hishiis buuxa loo dhex dhig lahaa beelaha Soomaaliyeed ee qaar kood ay weli ka dhex taagan tahay colaado iyo hilaaf salka u ahaya Siyaasad.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalad Qardho gaaray Issimo kale duwan oo ka kala tegay gudaha Puntland iyo qaar ka yimid Gobollada Soomaaliya balse maanta ayaa waxa ku biiray Issimadii horay u joogay Qardho Issimo ka kala yimid Jubbaland , Somaliland,
DDS iyo Kenya.

Issimada iyo Cuqaasha gaaray maanta magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Ugaas Xuseen Qorane

2. Ugaas Xuseen Ugaas Cismaan

3.Ugaas Khaliif Cali

4.Islaan Xassan Islaan Cabdisalaan

5.Suldaan Maxamed Suldaan C/laahi

Sidoo kale waxaa isla saaka gaaray magaalada Qardho Beeldaaje Jaamac Beeldaaje C/kariin iyo wafdi Cuqaal iyo Nabadoono ah oo ka yimid Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Dhinac kale Maalinta beri ah ayaa waxaa kale oo la filayaa in Issimo kale , Cuqaal iyo Nabadoono Soomaaliyeed oo ka kala imaan doona Gobollada dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo gudiga soo dhaweynta Issimada maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada ayaa waxaa ay si wanagsan u soo dhaweeyeen Issimada , Cuqaasha iyo Issimada Soomaaliyeed ee lagu casumay gogosha odayasha dhaqanka Soomaaliyeed oo maalmo ka dib ka bilaab doonta magaalada Qardho.

Gogosha uu dhiga Boqor Burhaan Boqor Muuse magaalada Qardho ayaa waxaa diidmo ka muujiyey Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase oo ka mid ah Issimada Puntland iyagoona maalmo ka hor saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe.

Hoos ka Daawo Issimo Ka Socda Koonfurta Dalka Soomaliya oo soo Gaaray Magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online