Kulanka Golaha Wasiirada DFS oo looga hadlay qodobo kala duwan

May 5, 2016 - Written by Editor

sharmaakeMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke. Kulankan ayaa ugu horeyn warbixin looga dhegeystay Wasaaradda Gaashaandhigga taasoo faah faahin ka bixisay howlgalada ay wadaan ciidanka Xooga Dalka ee looga sifeynayo kooxaha nabadiidka Al shabaab degaamada fara ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin gobolka Sh/dhexe, waxayna xustay inay ka sifeeyeen caddowga degaano fara badan, ayna sii soconayaan illaa laga xoreeyo dhamaamba degaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa soo bandhigtay xog uruurin Shidaal oo ay sameysay shirkad lagu magacaabo Spectrum ASA, taasoo ka sameysay dhul badeedka koofurta Soomaaliya.

“Dhul badeedka xogta laga aruuriyay waxay tiradiisu gaareysaa 20,582.75 KM, xogtaan cusub waxa ay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 KM taas oo la soo aruuriyay 2014. Labada xog axay sahlayaan in daraasad gun fog lagu sameeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed.

Wasiirka Badroolka oo arrintan sharaxayay ayaa xusay in 7 ruux oo bartay cilmiga Geology (geo-scientists) ayaa ka qeybgalay xog uruurinta kuwaas oo tababar lagu siiyay sida maraakiibta xogta u uruuriyaan, isla markaana dadka tababarkaan la siiyay inay aadi doonaan Qaahira, Masar si loo baro sida loo fasiro xogta.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigtay Qabyo qoraal ku saabsan Qorsheynta Qaranka, waxaana Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshaha Qaranka, kaasoo ka duwan qaabkii hore ee loo diyaarin jiray, waxaana Wasaaradu ay hoosta ka xariiqday in qorshahani uu koobayo dhamaamba baahiyaha kala duwan ee hay’addaha dowladda Federaalka iyo dowladd goboleedyada.

–DHAMMAAD–
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online