Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday Cusbitalka lagu dabiibayo Wasiirka Amniga Puntland.[Masawiro]

May 9, 2016 - Written by Editor

3Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta 09-May-2016  cusbitalka Cumar  Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo cusbitalkaasi.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno ka mid ah waftigii uu  Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Agaasimaha Cusbitalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo isla markaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso balse maalmo kooban lagu sii baxnaanin doono cusbitalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku  muddo kooban ku jirey cusbitalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu cusbitalka kala kulmay maamuus aad u heer sareeya iyo adeeg caafimaad oo wanaagsan isla markaaana uu dareemiyo jawi caafimaad oo aad u wanaagsan dhakhsona uu dib ugu laaban doono Puntland.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online